Yemen Oo Laba Shuruudood Ku Xirtay Aasida Meydadka Dhalinyaradii Lagu laayay Yemen

0

Wararka ka imaanaya dalka Yamen ayaa waxay sheegayaan in masuuliyiinta dalka Yamen ay laba shuruudood ku xidheen aasida maydadka dhalinyaradii Somalida ahayd ee u badnayd Reer Somaliland ee bishii ina dhaaftay ay diyaaraddu ku duqaysay xeebaha dalka Yamen iyaga oo la socda doon kasoo shiraaqatay Yamen una socotay Suudaan.

Maydadka dhalinyaradan oo u badnaa dhalinyaro reer Somaliland ah ayaa waxay ku jiraan Talaagadaha maydadka,waxaana masuuliyiintan Yamen ay shuruudaha u direen dawlada Xamar iyaga oo sheegay in aan maydadkaasi la aasayn ilaa inta ay dawlada Somaliya ka aqbalayso shuruudahan jawaabna kasoo bixinayso.

Waxaana labada Shuruudood ee ay masuuliyiintani ku xidheen aasida dadkaasi doonta saarnaa ee Diyaaraddu sida arxan darada ah u duqaysay ay kala yihiin sida ay sheegayaan xogaha naga soo gaadhay dalka Yamen

• In ay dawlada Fadaraalka Somaliya ay ka helaan waraaq ogolaansho ah oo sheegaysa in si rasmi ah loo aaso maydadka dhalinyaradaasi oo u badnaa reer Somaliland kuwaas oo ilaa hadda ku jira qaboojiyayaasha cusbitaalada dalka Yamen

• Iyo in wafti ka socda dawlada Somaliya ay goob joog ka ahaadaan aasida maydadka dadkaasi Somalida ah oo u badan dhalinyaro reer Somaliland.

Waxaana xoguhu sheegayaan in dawlada Somaliya ay ka cago jiidayso in ay oofiso labadaasi shuruudood,waxaana wali talaagadaha ku jira oo aan ilaa hadda la aasin ,tiro lagu qiyaasay 33 qof oo dhalinyaro u badan oo kasoo kala jeeda Somaliland iyo Somaliya kuwaas oo ku jirey doontaasi sida arxan darada ah ay diyaaraddu u duqaysay,sidoo kalena dawlada Yamen ayaa iyagu ilaa hadda aan shaacin diyaaraddii duqayntaasi gaysatay halka ay kasoo jeedo iyo sababaha ay u duqaysay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here