Burcad badeed Soomaliyeed oo La Toogtay

0

Maraakiibta dagaalka ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay labo kamid ahaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida halka mid kale ay dhaawaceen iyagoo isku dayay in ay afduub u geestaan markab ku socdaalayay xeebaha dalka Soomaaliya.

Labada nin ee la’dilay ayaa waxeey kamid ahaayeen koox burcad badeed ah oo ka koobnaa sagaal ruux kuwaa oo sitay dooni dheereysa waxaana ay doonayeen in afduub kula kacaan markab marayay biyaha gacanka cadmeed waxaana weerarkaasi fashiliyay oo rasaas ku furay ciidamada la dagaalanka burcad badeeda sida uu xaqiijiyay Ahmed Abdullahi oo ah sarkaal katirsan Ciidamada la’dagaalkan burcad badeedka maamulka Puntland.

Wuxuu sidoo kale uu sheegay in 6-dii kale ay ka badbaadeen weerarkaasi oo ay baxsadeen.

Dadka deegaanka ee ku sugan xaafada dur dur ee gobalka sanaag ayaa maalinimadii shalay aheyd sheegay in ay arkeen meydadka kooxo burcad badeeda soomaali ah oo xeebta yiilay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here