War Deg Deg:-Dil Gooordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya Buundada Asalooti Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in kooxo Hubeysan ay halkaas ku dileen qof rayid ahaa waxaana lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo kooxaha Hubeysan dilka kadib.

Ninka la dilay ayaa la sheegay in uu saarnaa gaari kuwa dadweynaha ah islamarkaana ragga dilka fuliyay ay wateen kuwa Raaxadda ah, waxaana la xaqiijiyay in ay murmeen kadibna ay halkaas ku toogteen.

Ciidamada Amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa durbadiiba ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan ragga hubeysan iyo gaarigii ay wateen waxaa lagu xiray Saldhiga Degmada Xamar jajab ee Gobolka banaadir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here