Dowladda Eritrea oo Lagu Eedeeyay in ay Taageerto Xarakada Al-shabaab

0

Wakiilka Dowladda Jabuuti ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay Maxamed Siyaad Ducaale oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay Dowladda Eritrea in ay caqabad ku tahay amaanka Gobolka Islamarkaana ay Taageerto Al-shabaab Soomaliya ka dagaalama.

Maxamed Siyaad Ducaale Wakiilka Dowladda Jabuuti ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo ka qeyb galay kulan ka dhacay Magaalada Newyorka ee dalka Mareykanka oo loogu hadlay amaanka Gobolka ayaa sheegay in Dowladda Eritrea ay wali ku taagan tahay mowqifkeeda ku aadan Taageerida Xarakada Al-shabaab, islamarkaana loo baahan yahay In Golaha uu Talaabo deg deg ah uu ka qaaado.

Sidoo kale Waxaa Wakiilka Dowladda Jabuuti ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay Maxamed Siyaad Ducaale ayaa ku eedeeyay Dowladda Eritrea in ay xogta u diidday kooxda dabalka Soomaaliya iyo Eritrea taas oo uu tusaale u soo qaatay in ay tahay xagjirnimada dowladda Madaxweyne Isias ee Eritrea.

Wakiilkeeda Golaha amaanka Amanuel Giorgio Dhanka Dowladda Eritrea,ayaa beeniyay eedda dowladda Jabuuti soo jeedisay ,waxaana uu xusay in Jabuuti ay iska hadashay hubsiimo la’aan waa siduu hadalka u dhigay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here