Howlgalada Atlanto ee xeebaha dalka soomaaliya kuwaa oo maraakiibtooda dagaal ay kula jiraan kooxaha burcad badeeda soomaalida ayaa war ka soo baxay lagu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalkooda ay ka wadaan xeebaha dalka Soomaaliya.
U qaabilsana Gaashaanbuurta NATO ladagaalanka burcad badeeda Admiral Rafael Fernandez ayaa sheegay dib u soo laabashada xeebaha soomaaliya weerarada burcad badeeda in ay ka hortagi doonaan maraakiibta dagaalka ee dalalka midowga yurub isagoo xusay in la’difaaci doono maraakiibta gargaarka bini’aadanimo u soo safrinaya gudaha dalka Soomaaliya.
Intii lagu guda jiray booqshada u qaabilsanaha dalalka midowga yururb maraakiibta dagaalka kulan ka dhacay magaalada Santiyago ee dalka Chile ayaa waxa uu halkaasi isku baray dhamaan dalalka xubnaha ka ah weerarada burcad badeeda si looga adkaado kooxahaasi.
Ugu dambeyntii howlgalkaasi ayaa waxa uu sheegay in maraakiib iyo diyaarado dagaal ay ka qeyb qaadan doonaan.

