Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmajo) ayaa ku eedeeyay Hogaamiyayaasha Xarakada Al-shabaab kuwa Burburinaya Hamiga Shacabka Soomaliyeed, islamarkaana aysan burburin Karin dowladda Federaalka Soomaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Hogaamiyayaasha Al-shabaab mar walba ay ku fikiraan sidii loo burburin lahaa Dowladda Cusub uu isaga hogaamiyo,balse ay taasi aysan jirin ayna burburinayaan Hamiga Shacabka Soomaliyeed oo ah in ay helaan Dowladda waarta oo dalka Hormar gaarsiisa.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmajo) ayaa ugu baaqay Hogaamiyayaasha Xarakada Al-shabaab in dowladda Federaalka Soomaliya u yimaadaan islamarkaana ay la galaan wada-hadal Nabadeed oo lagu xalinayo wax walba oo jira xiligaan oo ay tabanayaan.

