Dag Dag:-Xil ka Qaadis Caawa Lagu Sameeyay Taliyihii Saldhiga X/weyne iyadona Taliye Cusub La Magacaabay

0

Wasiirka cusub ee amniga gudaha dalka, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in xil ka qaadis uu ku sameeyay Taliyihii saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaan shaacin sababta xilka uu taliyaha kaga qaaday balse waxaa si KMG ah xilkaasi loogu Magacaabay G/le Siidow Macallin Isaaq.

Mudooyinki la soo dhaafay waxaa xil ka qaadis lagu sameynayay Saraakiisha ciidamada dowladda arintaa oo qeyb ka ah isbadelada ay wajaheyso dowladda Cusub ee Madaxweyne Farmaajo.

Sababta Taliyaha Saldhigga Xamar-weyne G/dhexe Cabdulqaadir Axmed Shire xilka loogu qaaday waxaa jiro warar sheegaya in Taliyaha oo saldhiga ka maqan uu tagey wasiirka marki saldhiga laga waayay kadibna xilka laga qaday taliyaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here