Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Xiisad ka dhalatay Xil ka qaadis uu sameeyey Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble in ay Magaaladaas ka taagan tahay.
Xildhibaan C/raxmaan Cabdi iidow oo kamid Baarlamaanka Hir-shabeelle oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in Magaalada Beledweyne ay haatan ka taagan tahay xiisad dagaal oo dhaxaysa beelaha wada daga Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dhulka Soomaliya islamarkaana waqti walba la filan karo dagaal.
Waxa uu sheegay In xiisadda haatan ka taagan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan uu abuuray Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/raxmaan Osoble, kadib markii uu xilalka ka qaaday Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida Gobolka taasi uusan awood u laheyn waa siduu hadalka u dhigee.
Wuxuu ugu baaqay Dowladda Dhexe ee Soomaliya in ay soo faragaliso arrinta haatan ka taagan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, islamarkaana Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle uu wada qorshe la isaga horkeenayo bulshada kuwada nool Gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaliya.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble oo xil ka qaadis ku sameeyay Taliyayaasha Nabad Sugida iyo booliska Gobolka Hiiraan, wuxuuna magacaabay Taliyayaal cusub.

