Ciidamada Dowladda oo Dib u Qabsaday Deegaanka Goof-gaduud+Dhageyso

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa goordhaweyd dib ula wareegay Deegaanka Goof-gaduud Shabeelow oo 30KM u jira Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Gudoomiyaha Deegaanka Goof-gaduud Shabeelow Xuseen Wardheere Xasan oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xeelad Malatari ay deegaanka kaga baxeyn Ciidamada booliska gaarka ah ee koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay kusii nagaan waayeen deegaanka islamarkaama Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaliya ay si nabad ah barqanimadii maanta ay kula wareegeen.

Waxa uu hadalkiisa ku daray Gudoomiyaha in ay sii gaari doonaan Ciidamada deegaan la yiraahdo Manaas oo Ciidamada Al-shabaab ay ku sugan yihiin islamarkaana ujeedka uu yahay sidii ay gacanta gabi ahaanba ay ugu dhigi lahaayeen deegaanka Gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaliya.

Al-shabaab iyo Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa dhowr jeer oo hore isku badbadalay gacan ku heynta Deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka Baay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here