Safiir Ku-xigeenka Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya oo la Magacaabay

0

Agaasimihii hore ee Hab Maamuuska Madaxtooyada iyo Kaaliyihii gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/raxmaan Aadan Cusmaan (Kampala) ayaa loo magacaabay Safiir Kuxigeenka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo Qunsulka koowaad ee Safaaradda.

Mas’uulkaan ayaa badalaya Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo horay xilkan u hayay, kaasoo hada ah Senator ka tirsan xubnaha Aqalka sare, horeyna usoo noqday Safiir Kuxigeenka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo Qunsulka koowaad ee Safaaradda.

Magacaabista la sameeyay ayaa la sheegay in ay horu dhac u tahay Isbadal lagu sameenayo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, iyadoo safiir cusub dhowaan loo magacaabi doono, wararka qaar ayaa sheegay in C/raxmaan Ceynte loo mgacaabi doono safiirka.

Safiirkii Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb. Jamaal Maxamed Hassan ayaa waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, waxa uuna muddo soo ahaa safiirka Soomaliya ee Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here