Golaha wasiiradda Maamulka Puntland oo kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ee caasimada mamulkaas ayaa saxiixay heshiis ay magaaladda Adis-ababa ku soo wada galeen Puntland iyo shirkadda dhismaha ee CCECC, kaasi oo lagu dhisayo jid laami ah oo isku xiraa Garoowe iyo Eyl iyo dhismaha garoonka diyaaradaha ee Galkacayo.
Sidoo kale Golaha Wasiiradda Maamulka Puntland ayaa saxiixay heshiis Puntland ay la gashay shirkadda CCECC heshiis kaasi oo ku aadan in sahamin dhanka shidaal baari ah laga sameeyo deeganada maamulka puntland , islamarkaana ay shirkadu ku yeelato xafiisyo Puntland.
“Heshiiskan ay wada gareen Puntland iyo CCECC wuxuu ku saabsan yahay in shirkaddu ay dhisto garoonka diyaaradaha Galkacayo, iyo Wadada isku xirta EYL/Garowe, arrintan oo k amid ah siyaasadii dowlada ee horumarinta kaaba-yaasha dhaqaalaha si puntland u noqoto dal la tartami kara dhigaalkiisa” ayaa lagu yiri war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii gollaha Wasiiradda ee Maanta.
Madaxweynaha Maamulka puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa Todobaadkii aynu soo dhaafnay soo gaba-gabeeyay safar uu ku tagay magaalooyinka Abu Dubai iyo adib ababa isagoo halkaas heshiis kula soo galay shirkaddo shisheeye oo musharuucdyo ka fulin doona deeganada Maamulka Puntland.

