Kenya oo War Kasoo Saartay Duulimaadyadii Mogadishu iyo Nairobi oo 10 Sano Kadib Bilowday

0

Duulimaadyadii tooska ahaa ee Garoomada diyaaradaha Aadan Adde iyo Garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ayaa maanta si rasmi ah kaga bilowday labada dal ee Kenya iyo soomaaliya iyadoo waqti kooban gudahood rakaab gaaraya 49 ruux oo ka ambabaxay magaalada Mogadishu ay gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dib u bilaabista duulimaadyada tooska ah ee labada dal ayaa waxa ay timid kadib markii labada hogaamiye ee soomaaliya iyo Kenya Mohemed abdullahi farmaajo iyo Uhuru Kenyatta todobaadkii hore ay isku wada raaceen fulinta balanqaadyo ay kamid yihiin in la’bilaabo duulimaad toos oo labada dal u dhaxeeya.

Wasiirka arimaha gudaha dalka Kenya Joseph Nkaissery, xoghaya wasaaradda gadiidka James Macharia iyo safiirka Kenya u fadhiya soomaaliya Ambassador Ali Mohemd Sheikh ayaa gacanta gelinayay soona dhaweynayay rakaabkii ka’yimid magaalada Mogadishu oo xayiraad 10 sano ay ay ka’saarneed duulimaad toos oo Nairobi ay kutagaan.

Xoghaya wasaaradda gaadiid Kenya ayaa sheegay in hergelinta iyo dib u bilaabista barnaamijkan duulimaadka ku aadan in ay tahay dhacdo taariikh ah oo kor u qaadeysa xeriirka ka dhaxeeya labada dal ee deriska ah iyadoo uu xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay arinkan kor u qaadista xeriirka ganacsi ee soomaaliya iyo Kenya.

10-kii sano ee u dambeesay duulimaadyada ka’yimaada magaalada Mogadishu ayaa ku hakan jiray dagmada wajir oo lagu baari jiray ka’hor inta aysan soogaarin Nairobi.

“Fursadaha la’heli karo ee gobalka ayaa ah horumarinta amaanka iyo xasiloonidda taa oo daba socotay doorashadii ugu dambeesay ee uu ku soobaxay Mohamed Abdullahi Farmajo bilaabista duulimaadyada tooska ahna waxeey bilawdeen xiligii ay bilawdeen” sidaas waxaa yiri CS Macharia.

CS Macharia ayaa hadalkiisa intaa ku daray ka’hor dib u bilaabista barnaamijkan in hay’adaha labada dowladood ay isdhaafsadeen kooxo amaanka sugo si loo hubiyo nabadgalyada garoomada diyaaradaha gaar ahaan kan magaalada Mogadishu.

Xoghayaha wasaaradda gaadiidka ayaa sheegay in hay’ado katirsan qaramada midoobay in ay door weyn ka ciyaareen kuwaa oo taageeray dib u furista qadadka magaalooyinka Mogadisho iyo Nairobi.

“Halkan waa garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta international airport ee gudaha caasimadda magaalada Nairobi waxaa qaadeynaa tallaab kasta oo lama huraan u ah sugida aminiga garoomadeena iyo diyaaradaha mana ahan cadaadis waa ilaalinta habsami socodka nabad galyada” CS Nkaissery ayaa sidaas yiri.

Ugu dambeyntii arinkan ayaa u ah mid sahlaya in diyaaradaha ganacsiga iyo kuwa raakaabka in ay door weyn ka’ciyaaraan labada dal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here