Maamulka Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ee dalka ayaa soo ssaaray warsaafadeed uu kaga hadlaayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Maamulka ayaa codsaday In la dhaqan galiyo heshiisyadii dhexmaray Dowladda Dhexe ee Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna Waljameeca kaas oo ku aadan in Gobolada dhexe uu yeesho maamul loo dhan yahay.
Sidoo kale Maamulka Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ee dalka aya dalbaday in la tixgaliyo codsigii Raisulwasaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan cali Kheyre ee ahaa in muddo 45-cisho dib loo dhigo doorashada Galmudug , si loo mideeyo dadka Gobolada dhexe kuwada Nool.
Tani ayaa ka hor imaanaya go’aankii Xildhibaanada Galmudug oo iclaamiyay in 10-bisha april la qabto doorashada Madaxweynaha Galmudug, kadib iscasiladiii Madaxweynihii Hore ee Maamulkaas C/kariin Xuseen Guuleed.


