Kooxda la magac baxday qilaafada islaamka ee ISIL ayaa sheegatay mas’uuliyada dil loo geystay sarkaal ka tirsan Ciidanka nabad sugida Soomaaliya kaa oo ka dhacay dagmada yaaqshiid ee Gobalka Banaadir sida ay baahisay Wakaaladda Wararka kooxda Daacish ee AMAQ ay baahisay.
War kasoo baxay saraakiisha ugu sarreysa Kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in Kooxdu ay Masuul ka ahyd dilka Muxudiin Amadi oo 20-kii Bishan March lagu dilay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,waxaa ay sheegtay Daacish in ninkan uu ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee nabad-sugidda Soomaaliya.
Waa Markii ugu horreysay oo Kooxda Daacish ay sheegato masuuliyadda dil ka dhacay gudaha Waddanka Soomaaliya,waxaa Daacish ay horay u sheegatay masuuliyadda dagaallo iyo Qaraxyo Ka Dhacay deegaanada Maamulka Puntland gaar ahaan Magaalooyinka Boosaaso iyo Qandala oo ka wada tirsan Gobolka Bari.
Kooxda Daacish ayaa la rumeysan yahay in ay awood ku leedahay gudaha dalka Soomaaliya iyo waliba dalalka kale ee dhaca geeska qaarada Africa sida Kenya iyo Ethopia.

