Magaalada Diri-dhaba ee Dalka Itoobiya waxaa ku geeriyooday Ala Ha U Naxariistee Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha maamulka khaatumo State Yaasiin Axmed Sulub.
Yaasin Axmed Sulub Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha maamulka khaatumo waxaana geeridiisu noqotay kedis (Mowtul-Qafle), Waxaana la sheegay inuu Wadne Xanuun kusoo booday, sida qaar kamid ah eheladiisa ay xaqiijiyeen
Maamulka Khaatumo State ayaa ka Tacsiyadeeyay geerida ku timid Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha maamulka khaatumo State Yaasiin Axmed Sulub.

