Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan oo Maanta Magaalada baydhabo Caasimada KMG kaga qeyb galay Barnaamij loogu magac-daray (Barnaamijka Todobaadka Maamulka koonfur Galbeed, iyo shacabka) kaasi oo ujeedkiisa ahaa in shacabka ay su’aalo weydiinayaan Madaxda Maamulka ayaa soo bandhig arin cusub oo lagu soo kordhin doono Maamulka.
Shacabka koonfur Galbeed Soomaliya ayaa Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh aadan Weydiiya su’aalo kala duwan oo u badnaa waxyaabihii u qabsoomay maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya tan iyo markii la aas-saay iyo wararka ku aadan in isku shaandheyn uu ku sameyn doono Golihiisa wasiirada.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa sheegay in uu jiro qorshe uu wado maamulkiisa oo ku aadan in Maamulka uu yeesho Raisulwasaare taasi oo noqon doonto mid Koonfur galbeed Soomaliya ay kaga duwanaan doonto Maamulada kale ee dalka xiligaan ka jira.
Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa sheegay in Raisulwasaaraha uu magacaabi doono uu isaga soo dhisi doono golle wasiiro oo tayo wanaagsan oo kasoo bixi kara shaqooyinka loo magacaabo waa siduu hadalka u dhigeen.
Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa sheegay in raisulwasaaraha cusub ee Maamulka koonfur Galbed Soomaliya uu ku dhawaaqi doono markii la ansixiyo Golaha wasiirada Xukuumadda Federaaalka Soomaliya u dhawaan magacaabay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre.
Tani waxa ay noqon doontaa mid ku cusub dalka.

