Dawlada wadanka Kenya ayaa lagu eedeeyay in Makiinado Cagaf Cagafyo ah ay geeysay dhinaca Degmada Ceelwaaq Soomaaliya islamarkaana ay doonayso in dhismo halkaasi ay ka bilowdo.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in Makiinado Cagaf cagafyo ah in Kenya ay geeysay deegaanka islamarkaana ay doonayso in ay dhismo ka bilowdo degamadas.
Waxa uu sheegay in ay diidaan in wax laga weydiiyo sababta ka dambeysa in Makiinado Cagaf Cagafyo ah ay geeyso dhinaca Degmada Ceelwaaq Soomaaliya islamarkaana ay dadka qaar ugu Hanjabeen in ay dili doono hadii ay ka hadlaan arintaan.
Dhanka kale xiriiro aynu la sameenay Maamulka Degmada Ceelwaaq Soomaaliya inooma suurta galin in aan qadka Taleefanka ku helno si aan wax ugu weydiino arintaan dhismaha ay wadaan Ciidamada Kenya.

