Hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xuuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay u muuqato weerarkii lagu qaaday dooni ay saarnaayeen qaxooti soomaaliyeed in ay ka dambeeyeen isbaheysiga diyaaradaha dagaalka ee dowlada sacuudiga hogaaminayo kuwaa oo mucaaradka xuutiyeenta dalkaasi yeman dagaal kula jira.
HRW ayaa ku tilmaamtay dambi dagaal doonidii lagu dilay in kabadan 40 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ahaa iyadoo labada dhinac ee ku dagaalamya dalkaasi yeman ay dafireen weerarkaasi midkood in uu kadambeeyay.
Waxaana HRW ay intaa ku dartay in weerarkaasi aysan shaqo ku laheyn kooxaha xuutiyiinta oo xeebtaasi Xudeydiya gacanta ku hayo waloow dhanka kale ay hay’ada arimaha xuquuql insaanka u qaabilsan qaramada midoobay ay sheegtay in dowlada Soomaaliya oo xulafo la’ah isbaheysiga sacuudiga in ay ka codsadeen isbaheysigaasi in dhacdadaasi ay baaraan-iyadoo markii dambe mas’uuliyada weerarkaasi isbaheysiga sacuudiga uu iska fogeeyay kuwaa hor dhigay qaramada midoobay si baaritaan loogu sameeyo sida uu sheegay agaasimaha qeybta bariga dhexe ee HRW Sara Liya Waytsin.
Hay’adda ayaa dhanka kale waxa ay sheegtay in dowladaha mareykanka,boqortooyada britian iyo faransiiska oo hub ka iibiya dowlada sacuudiga in ay ka codsatay baaritaan lagu sameeyaan cidii ka dambeesay gantalkii 16-kii bishan lagu dhuftay doon ay saarnaayeen qaxooti Soomaaliyeed iyadoo dhanka kale ku baaqday in la joojiyo hubka laga iibinayo dowlada Sacuudi Arabia si loo yareeyo dagaalka ka soconaya dalka yeman

