Wararka inaga soo garaya Dagmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa warramaya in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Kenya is israsaaseen ay ku dhexmartay Xaduuda ay wadaagaan Soomaliya iyo Kenya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaaseenta ay timid kadib markii Ciidanka Kenya la arkay iyagoo oo jaraya dhir ama geedo ku yaala dhul xuduudedka labada dal ay wadaagaan.
Gudoomiyaha Dagmada Ceelwaaq Ibraahim Guleed aadan oo la hadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay is rasaaseenta la sheegay in ay dhax martay Ciidamada Somalia iyo kuwo kenya balse waxuu intaasi raaciyay in ciidama Kenya ay ka wadan dhir jarid xaga dhul xududeedka ay maamusho Kenya.
Arintaasina ay ku shegeen sarakiil kenyaan ah in ay doonayan in aysan Al-shabaab ugu gaban geedaha dhaxdooda sida hadalka uu u dhigay.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay Is Raasaaseetaa ka dhacday Degmada Ceelwaaaq ee Gobolka Gedo taas oo u dhexeysay Ciidamo kala taabacsan Soomaaliya iyo Kenya.

