Wasiiru dowlahii Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cabdulle Jaabir oo kamid ah liiska Wasiirada uu ku dhawaaqay Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in uu goordhaweyd ku dhawaaqay in uu iscasilay.
Sababaha uu isku casilay mas’uulkaan ayuu ku sheegay in aan loo magacaabin xil uusan qalmin islamarkaana taasi ay keentay in uu iska casilo xilka Wasiiru dowlahii Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.
Waa mas’uulkii ugu horeysay ee maanta ku dhawaaqa inuu is casilay Saacado kadib markii uu xilkaasi udoortay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre u magacaabo.

