Wararka imaanaya deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka baay ayaa ku waramaya in Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya ay deegaankaas xalay ku toogteen laba ruux oo Maamulka degmadaasi uu sheegay in lagu qabtay dagaal shalay ka dhacay Gobolka Baay.
Mas’uuuliyiin ka Tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada balse diiday in codkooda la xigto ayaa inoo sheegay in Ciidamada ay xalay deegaanka ku toogteen labada nin oo lagu qabtay dagaal ka dhacay deegaan u dhaxeeya Baydhaba iyo Qansax-dheere ee Gobolka Baay.
Lama shaacin Magacyadda ragga la toogtay iyo in ay shabaab ka Tirsanaayeen, balse waxaa naloo xaqiijiay oo kaliyah in deegaankaas lagu toogtay habeenkii xalay.
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo dagaal culus kula jira Xarakada Al-shabaab ayaa horaan sheegay in ay toogaan doonan dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab, hadii aysan isa soo dhiibin.

