Meydadka Qaxooti Soomali ahaa oo Laga Helay Xeebaha Dalka yemen

0

Wali waxaa xeebaha dalka Yemen kusoo caarinaya meydadka dadkii badda ku daatay kadib markii Jicmihii doon ay sarnaayeen lagu weeraray marinka Baab Al-mandab ee Badda Cas.

Dadkaan ayaa kusii jeeday dalka Sudan sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dhaawacyada laga soo badbaadiyey halka uu shilka ka dhacay.
Dhinaca kalena Isbaheysiga uu sacuudigu hogaamiyo ayaa sheegay in aanay iyagu masuul ka aheyn weerarka tahriibayaasha Soomaalida ah lagu laayay.

Jimcihii aynu soo dhaafnay Gantaal ayaa lagu dhuftay dooni ku socdaalaysay xeebaha dalka yemen taasi oo kusii jeeday dalka Suudaan, waxaa la xaqiijiyay in weerarkaas ay ku dhinteen 40-ruux oo Somali u badan.

Dowladda Federaalka Soomaliya oo ka hadashay arintaas ayaa ku eedeysay Isbaheysiga uu sacuudigu hogaamiyo iyo Dowladda yemen in ay ka dambeeyeen falka lagu laayay qaxootiga Soomaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here