Madaxtooyadda Kenya oo War Kasoo Saartay Socdaalkii Uhuru Kenyata uu Ku Tagay Dhoobley

0

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Socdaalkii Madaxweynaha dalkaas Uhuru kenyata uu ku tagay degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose kaasi oo ay ka carootay Dowladda Federaalka Soomaliya.

Afhayeenka Aqalka Madaxtooyadda Dowladda Kenya, Monoah Esipsu oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka kenya ayaa sheegay in socdaalkii uu shalay ka tagay degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose madaxweyne Kenyata uu ahaa mid caadi ahaa, inkastoo ay Dowladda Somalia ka carootay arrintaasi.

Sidoo kale Afhayeenka Aqalka Dowladda Kenya, Monoah Esipsu ayaa beeniyay inay Xiisad Diplomaasiyadeed u dhexeyso Dowladaha Somalia iyo Kenya, ay ka dhalatay kadib, booqashaddii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku tagay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada hoose.

Afhayeenka Aqalka Dowladda Kenya, Monoah Esipsu ayaa sidoo kale sheegay haddii uu mugdi ka dhex jiro labada Waddan inay kga hadli doonaan Khadadka Diplomasiyadda, waa sida uu hadalka u yiri afhayeenka.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Madaxweynaha dalka kenya Uhuru kenyata uu shalay kasoo tallaabay Xuduudka Somalia, isagoo soo booqday Ciiddanka Kenya ee ku sugan Degmadda Dhoobley oo u dhow xuduudka Kenya,dowladda Soomaliya ayaa la ogaaday in ay aad kaga xumaaday arinta uu sameeyay Madaxweynaha Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here