Maamul Goboleedka Puntland ayaa farriin culus u diray ciidanka caalamiga ah ee jooga biyaha wadanka Soomaaliya kuwaasi oo dhibaatooyin aan loo meel dayin ku haya Kuluumaysatada Soomaliyeed.
Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo warbaahinta kula Hadlay Magaalada boosaaso ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin Kuluumaysatada Soomaliyeed islamarkaana ay fariin tii ugu dambeysay ay u dirayaan Ciidamada NATO ee ku sugan biyaha Soomaliya.
Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in Puntland aysan aqbali karin Ciidamada shisheeye sii joogaan xeebeheena haddii aysan waxba ka qaban karin jariifka iyo kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka socda biyaha Puntland.
Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar Camey, waxa uu intaas ku daray in ciidamada shisheeye ee jooga xeebahya Puntland ay kaalin ka qaataan falalka burcad badeeda, maadaama aysan waxba ka qaban dhibka lagu hayo kalluumaysatada Soomaalida.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili kooxihii dhawaan qabsaday Markab-ka ARIS ay sheegeen in ay u sameeyeen arintaas dhibaatooyin ay kala kulmeen Ciidamada Shishiyee ee ku sugan Biyaha Soomaliya.

