Madaxweynaha Soomaliya oo la Kulmay Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki+Sawirro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki, oo saakay booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, masuuliyiintii soo dhaweysayna waxaa horkacaayay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre.

Intaasi ka dib, ayaa waxaa Gudoomiyaha Midowga Afrika loo galbiyay Aqalka Villa Somalia, halkaasoo uu ku qaabilay Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo.

Labada dhinac, ayaa kulankoodan kaga hadlay arrimaha abaaraha iyo ammaanka dalka, sida uu xaqiijiyay C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), oo ka hawlgala Madaxtooyada Somaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here