Hay’adda muhaajiriinta caalamka ee IMO war ayay soo saartay ayay kaga hadashay weerarkii shalay lagu qaaday Dooni ay la socdeen qaxooti Soomalia ah oo mareysay xeebaha dalka Yemen.
Joel Millman afhayeenka Hay’adda muhaajiriinta caalamka ee IMO oo la hadlay Associated Press isagoo ku sugan Magaalada Geneva ee dalka Swizerland ayaa sheegay in ay aad kaga xun yihiin weerar lagu dilay dadka qaxootiga ahaa ee Soomalida ay ku jirtay.
“Waxaan hadda cadeyn karnaa in ay jiraan dad badan oo ku dhintay weerarkaas tira ahaan waxay kor u dhaafayaa 40-ruux, kuwa ku dhaawacmay weerarka waxa la geeyay isbitaalada”, ayuu u sheegay Joel Millman afhayeenka Hay’adda IMO oo wareysi siiyay Associated Press.
Inta la xaqiijiyay 40 qof ayaa ku dhimatay duqeyntaasi, waxaana weli la la’ yahay 15 kale oo Soomali ay ku jiraan kuwaadi oo kusii jeeday dalka Suudaan.
Dhaawaca 7 ka mid ah dadkii weerarka ka badbaaday ayaa lagu daweynayaa goobo caafimaad oo ku yaalla magaalada dekadda ah ee Xudeyda ee dalka Yemen.

