Dowladda Soomaliya oo Ka Hadashay Gantaal Lagu Dilay in Ka Badan 30 Soomaali ahaa

0

Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya cadan mudane Axmed Cabdi Xassan Axmed Suudaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 30-ruux oo Soomali ay ku jirto ay dhinteen kadib markii Gantaal lagu dhuftay Dooni ay la socdeen oo kusii jeeday dalka Sudan.

Axmed Cabdi Xassan Axmed Suudaan ayaa tilmaamay in tirada dadka ku dhintay Gantaal ku dhacay Doonta ee Soomaliya ay yihiin kuwa aad u yar islamarkaana ay jiraan dad kale oo Soomali aan aheyn oo weerarkaas ku dhintay.

Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya cadan mudane Axmed Cabdi Xassan Axmed Suudaan ayaa sidoo kale tilmaamay in dadkii ku dhintay Gantalkaas aas loo sameyn doono islamarkaana Dowladda Soomaliya ay war cad kasoo saari doonto cidii ka dambeysay falkaan lagu laayay Qaxootiga Soomaliyeed ee badda ku safrayay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here