Waxaa faafaahino dheeraad ay ka soo baxyaaan dagala xlaey ka dhacay xaafada biyo-dageenka Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa.
Wararka ayaa tilmaamaya in rag hubeysan oo ka tirsan al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen Biyo dageenka Suuqa Xoolaha waxana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.
Ciidamada la weeraray oo la sheegay in gurmad ahan ay u soo gaareen goobta ciidamo kale oo ka tirsan kuwa nabad sugidda soomaaliya islamarkaana halkaasi iska hor imaadki ka socday uu xoogeystay.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax CUmar Xalane ayaa sheegay in dagaalki xaley dhacay lagu dilay Sarkaalki al shabaab ee hogaaminayay weerarka waxana magaciisa uu ku sheegay Jacfar.
Weli dhanka al shabaab wax war ma uusan ka soo bixin balse waxaa dhinaca kale la shaacin qasaaraha xaga ciidamada dowlada soo gaaray.

