War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Xaafadda Suuqa Bacaad ee Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay salaadi Maqrib kadib ay toogasho ku dileen nin odey dhaqameed ahaa.

Ala Ha U naxariistee Odey magaciisa lagu sheegay Cabdulle Xasan Xuureey oo kamid ahaa dadka sida weyn loogu yaqaanay Gudaha degmada yaaqshid ee Gobolka Banaadir ayaa la dilay salaadii maqrib kadib sida goob-joogayaal ay u sheegeen idaacadda Simba.

Kooxdii dilka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaa goobta dilka ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Somaliya oo wada baaritaan lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka ninka odeyga ahaa.

Beegsiga odoyaasha iyo dadka indhaha u ah bulshda ayaa mduooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayay gudaha Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya, mana jirto cid si rasmi ah u sheegata mas’uuliyadda dilalkaas la geysto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here