Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa gacanta ku dhigay nin da’diida lagu qiyaasay 30 ilaa 35-jir oo loo malaynayo in uu hagayay ragii fuliyay labadii qarax ee lagu weeraray Hoteelka Wehliye ee Magaalada muqdisho.
Ciidamada ayaa ninkaan qabtay qaraxyadda markay dhaceen kadib, waxayna Ciidamada ka xireen indhaha, waxaa loo malaynayaan in uu ahaa ninkii hagayay Ragii waday Labada Gaari ee mid uu ku qarxay afafka hore ee Hoteelka, halka midka kale lagu dhuftay gaari ka ak dhawaa Hoteelka ee uu lahaa wasiirka kuluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Soomaliya Maxamed Cumar Ceymood inkastoo xiligaas ay wateen qaar kamid ah ilaaladiisa sida wasiirka idaacadda Simba uu u sheegay.
Inta la xaqiijiyay qaraxyadii ka dhacay meel ku dhow Hoteelka Wehliye ee Magaalada muqdisho waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 15-ruux oo shacab u badnaa, Mas’uuliyada qaraxyada waxaa sheegtay dagaalayahada Al-shabaab.
Muqdisho waxaa maanta oo kaliyah ka dhacay 3-qarax Gaari Homey oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxaa lagu weeraray Warshadii Hore ee Nac-naca ee Degmada Wadajir.

