Maxamed Cumar Ceymooy ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Xukumadii uu waqtigeeda dhamaaday oo la hadlay idaacadda Simba ayaa si kulul u beeniyay wararka sheegaya in gaari uu lahaaa lagu dhuftay qarixii labaad ee barqanimadii maanta ka dhacay Afafka hore ee Hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay in uu la yaabay markuu maqlay in qaraxii labaad ee ka dhacay afafka Hore ee Hoteelka Wehliye ee Magaalada muqdisho in lagu dhuftay gaari uu lahaa isaga, iskatoo xiligaas lagu sheegay in uu ka maqnaa.
“Aniga sidee wax u dhaceen iyo cidii lala beegsaday waxba kama ogi, dadka qaar ayaa isoo wacay oo igu dhahay waa sidee xaalkoodaa oo sidee wax ku gaareen, waan la yaabay runtii, aniga goobta ay wax ka dhaceen maanan joojin”, ayuu yiri Wasiir Maxamed Cumar Ceymooy.
Sidoo kale Maxamed cumar Ceymooy ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Xukumaadii uu waqtigeeda dhamaaday ayaa sheegay in ay jiraan qaar kamid ah ilaaladiisa oo goobta ku sugnaa oo wax ku noqday qarixii Labaad ee ka dhacay afafka Hore ee Hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho.
Saakay ayaa la baahiyay In qarixii labaad ee Lagu weeraray Hoteelka Wehliye ee Magaalada muqdisho in lagu dhuftay gaari uu lahaa Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Xukumadii uu waqtigeeda dhamaaday Maxamed Cumar Ceymooy.

