Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Carafaat Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen maqribnimadii caawa Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ee (NISA).
Kooxaha hubeysan ayaa sarkaalka ka Tirsan Nabad Sugida Soomaliya weerar ku qaaday xili uu watay gaari kuwada raaxadda ah, waxayna ku fureen raasaas xoogan, inkastoo uu sarkaalka iska caabiyay weerarkaas.
Dad ku sugan Xaafadda Carafaat Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in rasaasta ay socotay muddo kooban islamarkaana aysan jirin qasaaro soo gaaray dadka rayidka ah.
Sarkaalka oo magaciisa aan la ogaanin ayaa la xaqiijiyay in uusan wax qasaaraha soo gaarin islamarkaana ay goobta gaareen Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee (NISA).

