Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeele oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada muqdisho ayaa sharci darro ku Tilmaamay qaabkii loo Ansixiyay Golalah Wasiirada Maamul Goboleedka Hir shabeelle.
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow oo kamid ah Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in si musuq-maasuq ah lagu ansixiyay Golahii wasiirada uu bishii aynu soo dhaafnay uu soo magacaabay Madaxweyne Cali C/laahi Osoble.
“Qaabka lagu ansiyay Golaha wasiirad Hir-shabeelle uu soo magacaabay madaxweyne Osoble waa qaab sharcidaro ah, Guddoomiyaha baarlamanka Hir-shabeelle ayaa qaadi doono mas’uuliyadda arrintaas, heshiiska waxa uu ahaa in laga doodo mooshinka laga keeny golaha wasiirada balse waa la badalay go’aankaas oo si awood ah ayaa lagu ansixyay wasiirada, waxaa gacanta taagay waxa ay ahaayeen wasiiro”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble oo ka hadlay ansixinta Golihiisa wasiirada ayaa sheegay in ay tahay talaabo aad u wanaagsan oo la qaaday, islamarkaana ay wasiiradda ka shaqeyn doonaan Hormarka Hir-shabeelle.

