Ciidamadii Qabsaday Kontoroolka Koonfureed Garoowe oo Isaga Baxay+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland ayaa ku waramaya in Ciidamadii gadoodka sameeyay ee dhawaan qabsaday Kontoroolka Koonfureed ee Magaaladaas in ay isaga baxeyn.

Ciidamada ayaa la sheegay in maalmo ay ku sugnayeen Kontoroolka islamarkaana ay kala xireen isku socodka gadiidka deeganada Maamulkaas.waxayna ka cabanayeen Mushaar bilooyin ah.

Taliyaha ciidamada Kumaandooska ee dawladda Puntand Col, Jimcaale Jaamac Takar ayaa raaligalin u diray Shacabka & Puntland, dhacdadii ka dhacday magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulkaas ay Ciiidamada kula wareegeen Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garoowe.

Taliye Jimcaale Jaamac Takar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sugida iyo Difaacida deeganada Maamulka Puntland, wuxuuna sheegay in aysan ku wada socon ciidamadu talaabadaas qabsashada Kontoroolka Garoowe.

Ugu dambeyntii Col, Jimcaale Taliyaha ciidamada Kumaandooska ee Puntand ayaa cadeeyey in aysan noqon siyaasiin oo aan lagu dhex-dhuuman Karin ciidamada difaaca ee Puntland, kadib markii Madaxweynaha Maamulkaas uu dhawaan sheegay in ay jiraan saraakiil isku badalay Siyaasiyiin oo qasayada puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here