Maxkamada Ciidamada ee mamulka ahlusuna Waljameeca ayaa galabta oo Khamiis ah u fadhiisatay dacwado loo heestay illaa sideed eedeysane oo isugujiray 5-rag ah iyo 3-dumar ah.
Eedeyaanayaasha ayaa loo heestay dacwado la xiriirey in ay deegaanada maamulka ahlusuna Waljameeca gaar ahaan degmada Gurceel ka wadeen fikirada xagjirnimada ama dhiirigalinta ficilada Waxa loogu yeero Argagaxisada
Dhageysiga dacwadan waxaa baanaanka ka joogay Saxaafadda Madax Banaan ee ka howlgasha Magaalada Gurceel ee Gobolka warbaahinta kusharaxey afhayeenka Maxkamada Ciidamada ee Maamulka Gobolada Dhexe Gaashaanle dhexe Galad Maxamed Qeyliye
Magacyada eedeysanayaasha laxukumey iyo faahfaahintooda aqriso
1-Maxamed Xirsi Indhooy 30-sano jir ku dhashey Qodqod dagan Guriceel dil toogasho ah.
2-Aamino Axmad Maxamed 35-jir ah ina faadumo Maxamed Shido ku dhalatey Qoryooley dagan Guriceel dil toogasho ah.
3-Cadow Ibraahim Xasan 28-sano jir ah ina qadiijo Xasan ibraahim ku dhashey Tiyaglow dagan Biyooleey 4-sano oo xabsi ah.
4-Maxamed Axmad Cilmi 28-jir Guriceel ku dhashey Dagana Guriceel 4-sano oo xabsi ah
5-cwali mcln xuseen 53sano jir ina xaliimo maxamuud iidle ku dhashey Marko dagan Guriceel waxaa lagu xukumey 4-sano oo xabsi ah.
6-ibraahim Isaaq Dhaayoow 21sano jir ina xaawo buule xasan ku dhashey Tiyaglow dagan isla tiyaglow
7-Safiyo C/wali Macalan xuseen 16sano jir jamaad warsame kudhalatey dagana guriceel xukun 4-sano oo xabsi ah.
8-Faadumo Axmad Maxamed 35-sano jir ina aamino Faarax barre ku dhalatey Guriceel dagan guriceel waxaa lagu xukumey 4-sano oo xabsi ah.
Eedeysanayaashan maanta laxukumey ayaa qeyb ka ahaa 14-ruux oo ciidamada maamulka Gobolada dhexe bishan gudeheeda ay kasoo qabteen goobo waxbarasho iyo masaajid kuyaala dagmada guriceel xiligaasi oo maamulka lagu wargaliyey in goobahaasi waxbarasho lagu dhigayo Manaahij kabaxsan kuwa deegaanka laga ogolyahay.

