Wararka ka imaanaya Tuulada Qurac-madobe oo hoos timaada degmada Mahadaay ee Goolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamada midowga Afrika AMISOM ay deegaankaas ku dileen dad xoolo dhaqto ahaa islamarkaana ay ka wateen dad kale.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo magaciisa ka gaabsaday In uu warbaahinta la wadaago ayaa idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in Ciidamada AMISOM ay tuulada weerar ku qaadeen kadib markii ay jidka u galeen Ciidamo ka Tirsan Al-shabaab.
Waxa uu sidoo kale qofka kamid ah dadka deegaanka uu sheegay in weerarka kadib Ciidamada AMISOM ay gudaha u galeen tuulada islamarkaana ay si arxandaro ah u dileen dad xoolo dhaqato ah, iyagoo sidoo kale horey usii watay dad kale oo ilaa haatan aan la ogeyn halka ay geysteen.
Maamulka Degmada degmada Mahadaay ee Goolka Shabeelaha Dhexe aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan falkaan Ciidamada AMISOM ay Tuulada Qurax Madoobe ay ka geysteen.
Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa mudooyinkii dambe dadka shacabka waxa ay ku laanayeen Gobolada dalka Soomaliya waxaan jirin wax maxkamad ah oo lasoo taagay Ciidamadii falalkaas u geystay shacabka.

