Jawaari oo Kulan Ku aadan Hagidda Mustaqbalka Dalka La Qaatay Xildhibaannada Dhalinyarada ah+Dhageyso

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ” Jawaari ” ayaa kulan ku aadan hagidda Mustaqbalka dalka la qaatay Xildhibaannada Dhalinyarada ah ee ku jira Golaha Shacabka.

Jawaari ayaa la kulmay Tirada Xildhibaannada Dhalinyrada ee ku jira Golaha Shacabka oo gaaraya 76-xildhibaan waxa uuna kula dardarmaay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

“Waxaad tihiin xoogga Baarlamaanka waxaad mas’uul u tihiin dhalinyaradeenna badaha ku dhammaanaya, kuwa qoryaha sita, kuwa aan waxbarashada heysan, sideen ku raadin karnaa xaqa ka maqan dhalinyarada aad meteshaan, dardaarankeeyga ugu weyn wuxuu yahay iska iloow qabiil waxaad meteshaa dhalinyarada sideen uga shaqeynaynaa in aad dalkan u diyaarino dhalinyarada si ay u hogaamiyaan ” ayuu kula dardaarmay Guddoomiye Jawaari Xildhibaannada dhalinyarada ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here