Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay magalada Kismaayo ayaa mar kale ku celiyay in culayska ugu weyn ee jira uu yahay amaanka oo aad u xun iyo deeganada ay abaartu ka jirto oo aan xor ahayn.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahayin loo midoobo sidii Al-shabaab loogu xureyn lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubooyinka iyo Gedo si gargaar loo gaarsiiyo dadka halkaas ku dhibaataysan.
“Abaaraha Dalka ka jira culayska ugu weyn ee jira waxaa amaanka oo aad u xun iyo deeganada ay abaartu ka jirto oo aan xor ahayn isagoo sheegay in ay tahay wakhtigii loo midoobi lahaa sidii Al-shabaab dalka looga saari lahaa”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed (Axmed Madoobe).
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu alle ugu baryay in uu ku guuleysiiyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre in si nabad ah uu kusoo magacaabo Golihiisa Wasiiradda.

