Soomaaliland ayaa marki ugu horeysay ka hadashay kulan dhawaan madaxweynaha soomaaliya uu la qaatay boqorka sacuudiga islamarkaana labada mas’uul ay ka wada hadleen sida loo joojin karo saldhiga imaaraadka uu ka dhisayo magaalada Berbera.
Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada soomaaliland Axmed Xaashi Cabdi Shiil oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweyne farmaajo uusan hor istaagi Karin saldhiga berbera laga dhisayo.
Wasiir Ku Xigeenka ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka ay tahay dowladda quwad leh iyadana ay go’aanka ledahay balse madaxda soomaalida aysan gaari Karin go’aan aysan awood u laheyn.
Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada soomaaliland Axmed Xaashi Cabdi Shiil ayaa sheegay in madaxweyne walba oo soomaaliya ay yeelato uu ku halaaqyoodo midnimada soomaaliya taasina caadadoota ay tahay.
https://www.youtube.com/watch?v=Rhd_gvHBqKg

