Al-shabaab oo Xukun Dil ah ku Fuliyay 2-Dhalinyaro ah Degmada Buq’aqable

0

Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Degmada Buq’aqable ee Gobalka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaliya ayaa xukun dil ah ku fuliyay Labo wiil oo Dhalinyaro ahaa.

Labada wiil ee dhalinyarada ahaa ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ka Tirsanayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ee Gobolka Hiiraan.

Fagaaraha xukunku ka dhacay ee lagu dilay labadan askari waxaa soo xaadiray Boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan degmada iyo deegaanada hoostaga.

Qaadiga Maxkamada Al-shabaab ee Gobolka Hiiraan ayaa goobta fagaaraha ka aqriyay Xukunka Maxkamadda iyo howlgalka gaarka ah ee lagu soo qabtay labadan askari oo lagu kala magacaabi jiray.

1-Axmed Nuur Cabdi Cusuble oo da’diisu tahay 20 Sano jir
2-Axmed Yuusuf Xasan oo da’diisu tahay 26 Sano Jir.

Al-shabaab ayaa Xukunada noocaan oo kala ah horey u fuliyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here