Madaxweynaha Jabuuti oo Magaalada Muqdisho Soo Gaaray

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu ugu qeyb galo xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay madax ka tirsan Dowladda Soomaliya oo ugu horeeyo madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo.

Dhanka kale Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isla maanta Muqdisho ka dhexdhigi doona Safaaradda Dalka Jabuuti ay ka furnayso Magaalada Muqdisho.

Madax kale ayaa la sugayaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here