Madaxweynaha Soomaliya iyo Hogaamiyaha Jubba-land oo Kawada Hadlay Dagaalka Al-shabaab+Sawirro

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa xalay booqday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Labada Madaxweyne oo kulan gaar ah yeeshay ayaa kawada hadlay xaalada uu dalku marayo gaar ahaan isbadalka ku yimid Siyaasada dalka iyo qaabkii Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay u wada shaqayn lahayeen.

Kulanka ayaa sidoo kale loogu hadlay sidii dowladda Dhexe ee Soomaliya iyo Maamulka Jubba-land isaga kaashan lahaayeen dagaalka dalka loogu saarayo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo wali ku xoogan deeganada Maamulka Jubba-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here