Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa digniino u jeediyay shaqsiyaad kasoo jeeda deeganada maamulkaas oo doonaya in isaga xilka laga qaado islamarkaana la burburiyo Maamulka.
Madaxweyne Shariif xasan Shiikh aadan ayaa sheegay in ay doonayaan in Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya uu noqdo maamul awood badan, islamarkaana iska difaaci kara cid walba oo isku dayda ni ay weerar kusoo qaado.
“Anaga waxaan rabnaa in Maamulka Koonfur galbeed uu noqdo maamul xoog badan, isbadalka uu sameynayo waxaan rabaa in uu noqdo isbadal wanaagsan oo dadka weerarka kusoo qaada iska difaaci kara, waxaan u digayaa dadka waalaheena ah oo doonaya in ay dhibaato galiyaan maamulka, hadiii balaayo aad u abuurto adna way ku saameynaysaa, aniga musharax waa noqday balse waan ku guuldareystay”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikha aadan.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Siyaasiyiin iyo Xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaas ay doonayaan in xil ka qaadis lagu sameeyo Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh adan oo ay ku eedeyeen in uu ka fashilmay hogaaminta koonfur Galbeed Somaliya.

