Milkiilaha TV-ga Universal oo Lagu Xiray Magaalada Hargeysa

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somali-land ayaa ku waramaya in Ciidamada amaanka Maamulkaas ay xabsiga Dhigeen Milkiilaha TV-ga Universal oo Howlo shaqo u joogay Magaaladaas.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Milkiilaha uu haatan ku xiran yahay Saldhiga Booliska Magalada Haregaysa ee Caasimada Maamulka Somali-land, islamarkaana halkaas su’aalo lagu weydinaayo.

Maamulka Somali-land ayaa sii kordhinaya beegsiga lagu hayo warbaahinta Madax Banaan, dhawan waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa lagu xiray Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo dhankiisa lagu eedeeyay in uu taageero u yahay Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here