Warqad kasoo baxday Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka Nuur Faarax Jimcaale, ayaa waxaa lagu hakiyay Canshuuro laga qaadi jiray Ganacsatada Soomaaliyeed.
Warqada kasoo baxday Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ilaa iyo amar danbe la hakiyay Khidmada lasiiyo rugta Ganacsiga, Hanti dhowrka Qaranka waxa uu sheegay in sababaha loo hakiyay ay qeyb ka tahay Cabashooyinka isdabajooga ah ee ka imaaneysa Ganacsatada.



