Farmaajo:-“Qaraxii Ka Dhacay Degmada Wadajir Waxa uu Muujinayaa Bahalnimada Al-shabaab”,

0

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay Suuqa Kaawo Godeey Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne farmaajo ayaa sheegay in qaraxii maanta ka dhacay degmada Wadajir uu muujinayo Bahalnimada Al-shabaab, wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaliyeed iyo Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaliya in ay u midoobaan dagaalka Al-shaabab.

Inta la xaqiijiyay 30-ruux oo dad shacab ahaa ayaa ku dhintay kadib markii gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha uu ku qarxay Suuqa Kaawo Godeey Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Gaari qarxay ayaa ahaa kuwa raaxadda ah islamarkaana lagu qarxiyay suuqa Kaawo Godey Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, markuu qaraxa dhacayay suuqa ayaa ahaa mid aad u mashquul badan oo dad ay ka dukaamaysanayeen.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa ka dhacay Suuqa Kaawo Godeey Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here