Wakiilkeeda gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira ayaa sheegay in Ciidamada Midowga Afrika AMISOM iyo kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed ay dhawan qaadi doonaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab kaasi oo laga fulin doono Gobolka Jubada Hoose.
Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira ayaa tilmaamay In Ciidamada AMISOM ay awoood u leeyihiin iyagoo kaashanaya Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed in ay cagta mariyaan kuwa Al-shabaab oo wali ku xoogan qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.
“Horey ayaan u socon doonaa, waxaa gaari doonaa Woqooyi bari, waxaa gacanta ku dhigi doonaa goobaha ay ku harsan yihiin Al-shabaab,kadib waxaa la wareegi doonaa deeganada kala ah Jilib, Jamaame, Saakow and Bu’aale oo ka Tirsan gobolka Jubada Hoose, ma joogsan doonaan Howlgalada ilaa halkaas aan ka gaarno, Al-shabaab waan burburin doonaa, anagoo kaashanaya Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed”, ayuu yiri Francisco Caetano Jose Madeira.
Hadalkaan ayuu Wakiilkeeda gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira ka jeediyay kulan loogu hadlaayay Sidii Ciidamada Burundi loogu rari lahaa Xarunta Jaamacadda Ummada Soomaliyeed ay ku sugan In ka badan 10-sano.

