Denjire Stephan Schwartz oo Madaxweyne Farmaajo oo Gudoonsiiyay Hadiyad Tii Ugu Qaalisaneed

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay safiirka dowladda mareykanka u fadhiya Soomaaliya Denjire Stephan Schwartz.

Madaxweynaha Soomaliya iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaliya ayaa kawada hadlay xiriirka Labada dal, iyo sidii Dowladda Mareykanka Dowladda Cusub ee Soomaliya ugu gacan siin laheyd dhinacyada amniga,iyo Abaaraha xiligana dalka ka jira.

Safiirka dowladda mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephan Schwartz ayaa sheegay in dowladiisa ay Dowladda Soomaliya ka gacan siin doonto arrimaha laga codsaday,islamarkaana Soomaliya iyo Mareykanka uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa safiirka Mareykanka ee Soomaliya Stephan Schwartz ka gudoomay Koofiyad lagu soo qor “Make Somalia Great Again” oo micno ahaan noqonaysa “ka yeel Soomaliya mid wanaagsan mar kale”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here