Salaadii maqrib ka hor ciidamo ka tirsan AMISOM oo watay gawaarida gaashaaman ayaa baabuur BL dadweynaha ah jug ku gaarsiiyey agagaarka suuqa beerta jaadka kusoo dago Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Ciidamada ayaa damcay markii ay falkaan geysteen inay isaga baxsadaan meesha balse waxaa is hor istaag ku sameeyay islamarkaana dhagxaan kala kulmeyn dadkii shacabka ahaa ee suuqa buuxay taasoo keentay inay ciidamada Midowga Afrika AMISOM iyagana rasaas xoog leh kor u ridaan.
Dadkii shacabka ahaa ee dhagxaanta watay ayaa ciidamadaas u diiday inay ka gudbaan halkaas iyagoo u socday jidka aado Ex- Control afgooye, balse ay arkeen in ay gudbin Karin wada ayay go’aansadeen inay dib uga baxsadaan halkaas Waxayna dib ugu soo laabteen halkii ay ka imaadeen waxayna qaadeen wadada aado KM4.

