Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somali-land ayaa jirdil u geystay 3-wariye oo haween ah oo ka howlgala warbaahinada Magaaladaas.
Saddexdan Hablood ay jirdilka u geysteen Ciidamada booliska Magaalada Hargeysa ayaa kala ah Warda-sagal Axmed Rooble, Samsam Cabdillaahi Cismaan iyo Ikraan Siciid Diiriye, dhamaan waxa ay ka howlgalaan warbaahinta Magaaladaas.
Warda-sagal Axmed Rooble oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ciidamada Booliska Saldhigga Maxamed Mooge ay jidh-dil xun u gaysteen, iyadoo sheegtay in saldhiga ay ku booqanayeen qof ehelladooda ah oo ku xidhnaa.
Wali wax war ah kama soo bixin dhanka Maamulka Somali-land oo loogu hadlaayo dhibaatada loo geystay wariyayaasha.

